
Cudurka safmarka ah ee loo yaqaano covid19 ee uu sababo fayraska “coronavirus” ayaa caalamka si ballaaran u saameeya. Sida ku qoran warbixinnadii ugu dambeeyay tirade dadka uu haayo xanuunkan ayaa kor u dhaafeysa 1.4 malyan, in kabadan 89,000 oo qofna ay u geeriyootay ayadoo wali la filanaayo in tirada intaas kasii badato. Cudurkan oo markiisi hore ka dilaacay suuq kuyaalo magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku faafay caalamka intiisa kale. Marka laga soo tago Shiinaha, wadamada uu aad ugu faafay waxaa ka mid ah Spain, Italy iyo Mareykanka. Sidoo kale cudurkan ayaa qaarada Afrika soo gaaray ayadoo wadamada Masar iyo Koofur Afrika laga helay kiisaska ugu badan. Soomaaliya waxaa ilaa hadda la xaqiijiyay 12 kiis iyo 1 kiis oo dhimasha ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Marka laga soo tago qasaaraha nafeed iyo dhaqaale ee uu sababay cudurkan waxaa uu sidoo kale sababay in la xiro xarumihii wax barashada, ganacsiyada, waxana dadka lagula taliyay in ay guryaha ka soo shaqeeyaan, ardaydana ay sidoo kale guryahooda ayagoo joogo wax ka bartaan.
Baahi intee le’eg ayaa loo qabaa internetka?
Laakin waxaa is weydiin mudan, maxaa dhici lahaa haddii uu cudurkan sidaan oo kale ugu faafi lahaa aduunka ayadoo aysan jirin adeeg Internet ah?. 1918 ilaa 1920 kii waxaa aduunka ka dillaacay hargab ama duray loo yaqaano “Spanish Flue” oo ay udhinteen dad tiradooda lagu qiyaaso 50 malyan. Xilligaas aduunka kama jirin adeeg Internet oo isku xira caalamka si loo ogaado xogta kusaabsan cudurkaa asaga ah.
Maanta dunida waxaa jira adeeg Internet oo guud ahaan caalamka meel walba gaaray inkastoo meelaha aadka uga fog magaalooyinka waaweyn uu ku yarhay helitaanka adeegaan. Majirto xilli looga baahi badanyahay helitaan adeeg Internet xilligan haddda lagu guda jiro ee aadka u adag. Haddii sikale loo yiraahdo Internetka wuxuu naqday lafdhabarta bulshada aduunka oo dhan.
Waxyaaba ugu muhimsan ee Internet ku fududeeyay waxaa ka mid ah in dadka ogaadaan xogta ku saabsan cudurka koroonaha. Tusaale waxaa dadku wada ogyihiin siyaabaa lagu kala qaado cudurkaan iyo sida looga hortago, tirada dadka u dhintay, inta u jiifta, inta ka bogsootay, dadaalada iyo wacyigalinta ay wadaan shaqaalaha caafimaadka iyo howlwadeenada kale ee ku howlan badbaadinta dadka. Sidoo kale Internet ka wuxuu suurta galiyay in waxbarashadi ay sii socoto ayadoo ardayda (intii awooda helitaanka adeeg Internet) ay wax u baranaayan qaab online ah. Shaqaalihii ay ka shaqeeyaan guryahooda (teleworking), qoysaskii kala fogaa ay qadka ku kala warqaataan.
Marka aan fiirinno intaas oo dhan, waxan ogaaneynaa in Internet ka uu maanta u dhawyahay ama la mid yahay baahiyaha asaasiga ah ee bani aadamka u baahanyahay. Dadkuna waa in ay fahmaan kaalinta uu kuyeeshay noloshooda waliba xiligaan adage ee hadda lagu jiro.
Baahida hada loo qabo adeeg Internet oo raqiis ah
Maadaama noloshii inta badan ay ku xirmatay Internet ka waxaa lagama maarmaan ah helitaanka adeeg Internet oo aad ujaban. Wasaaradda waxbarashada iyo adeeg bixiyayaasha Internet ka waa in ay kawada shaqeeyaan sidii ardayda Soomaaliyeed ku heli lahaayeen adeeg jaban. Sidoo kale waxaa muhim ah in adeeg Internet oo jaban la gaarsiiyo dadka aan dhaqaalo ahaan awoodin si ay uga warhaayaan wacyigalinta caalamka iyo Soomaaliya ka socota ee ku aadan cudurka koroonaha.