Shaah iyo Sheeko September 2020
Kadib doodo iyo seminaaro is daba joog ah oo ay qabaneysay xarunta Digital Shelter sanadkaan 2020 oo ku saabsanaa xuquuq danabeedka (digital rights), xurnimada internetka (internet freedom) iyo sidoo kale online civic space waxaa la ogaaday muhimda ay doodahaan uleeyihiin bulshadeena . Sidaa daraadeed DS waxay go’aansatay in laqabto doodo aan rasmi ahayn (informal discussions) oo billa ah. Doodahaan oo loogu magac daray #ShaahIyoSheeko ayaa waxaa lagu gorfeeyaa arimaha laxiriira internetka iyo qaabka uu usaameeyo bulshada Soomaaliyeed ayadoo isla markaas looga doodaayo mowduucyo kala duwan.
Fikarada madasha #ShaahIyoSheeko waxa ay ka timid codsiyo badan oo DS kasoo gaaray dadka kala socda baraha bulshada waana doodihi ugu horeeyay noocaan ah oo Soomaaliya lagu qabto.
Doodi 1aad: #ShaahIyoSheeko September
Doodi ugu horeesay ee Shaah iyo Sheeko waxa ay kusaabsaneyd sidi baraha bulshada Soomaaliyeed loogu dhisi lahaa doodo ama fikiro wanaagsan “building positive social media narrative in Somalia” waxaana marti noogu ahaa laba qof oo aad ugu xeel dheer arimahaan. Mohamed Royal oo ah aasaasaha xarunta Netbeins ahna qof ay ku xiranyihiin dad aad ufara badan barihiisa Facebook iyo Twitter. Iyo sidoo kale Beella Sheegow oo ah saxafiyad la shaqeesa BBC World Service.
Madasha qeybeheeda hore waxaa lagu gorfeeyay sida qaldan ee Soomaalida u isticmaalaan baraha bulshada gaar ahaan Facebook ayadoo waayihii istcmaalka Twitterkana uu soo batay. Waxaana laga dooday qodobada soo socoda iyo sababaha keenay:-
- Doodaha la xiriiraha qabyaalada iyo kala qeybsanaanta ka dhax taagan Facebook
- Maxaa sababay in inta badan dadku ay aad u tix galiyaan qoraalada taban ah?
- Maxaa yareeyay doodaha wax dhisa ama kor uqaada fikiro waxtar leh sida kuwa curinta, hal’abuurka, art iyo dhaqanka soomaaliga?
- Maxaa baraha bulshada ku badiyay doodaha kusaabsan siyaasada iyo awood qeybsiga Soomaaliga?
- Sii kordhida dhibaatada, handadaadaha, aflagaadada iyo Sharaf dhiga dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed oo aad looga dhibaateeyo baraha buslhada.
Kadib dood dheer iyo su’aalo is weydaarsi dhex martay Martida barnaamijka iyo kasoo qeyb galayaasha waxaa la’isku raacay in caqabado fara badan oo ay kujiraan kuwa kor lagusoo sheegay ay ka jiraan baraha bulshada ee Soomaalida isticmaasho. Waxaana la isku raacay in loo baahanyahay qodobada soo socdo:-
- In loo baahanyahy wacyi galin balaaran oo dadka lagu baraayo sida wanaagsan ee togan ah ee baraha bulshada loo isticmaalo loogana faa’iideysto dhisida bulsho is jecel oo istaageerto kana shaqeyso Nabada iyo hormaritnta Soomaalia
- In lagusoo bandhigo fikiro hal abuur leh, sida ganacsiyada, curinta, fursadaha shaqo, waxbarashada iyo is dhex galka dhalinyarada
- In loo adeegsado isku keenida qabaa’illada wax iska tabanaayo lagana dhigo goob la isku cafiyo.
- In laqabto madalo noocaan oo kale ah si fikirka dadweynaha ee ku aadan baraha bulshada loo badalo.
Shaah iyo Sheeko (October 2020)

Madasha shaah iyo sheeko oo ay DS qabatay bishi oktoobar waxaa lagu casuumay 25 qof oo dhamaantood dumar ah. Ujeedada madashaan wuu kaduwanaa madalaha kale ee ay qabato DS oo waxuu qaas u ahaa qaar kamid ah dumarka Soomaaliyeed si ay uga doodaan “women in the digital space” oo kusbaabsanaa caqabadaha iyo dhibaatooyinka haweenka Soomaaliyeed ka hayesta isticmaalka internetka.
Waxaa madasha marti ku ahaa laba qof qibrad aad uwanaaagsan ualahaa isticmaalka internetka. Waxayna kala ahaayeen:-
- Faduma Ahmed Caynte (Faduma Rasim): oo ah aasaasaha madasha haweenka ee loo yaqaano Cawo Forum oo ah madal looga doodo arimaha haweenka.
- Fahima Abdi: oo ah khabiir dhanka deegaanka iyo isbadalada cimilada aadna ugu xiran baraha bulshada gaar ahaan barta Twitterka.
Waxaana xiriiriye ka ahaa Sumaya Abdirashid oo ah cilmi baare ka dhigata “Development Studies” jaamacada London.
Suaalaha dooda waxaa ka mid ahaa:-
- Heerka accesska haweenka maxaa ka gaabiyay marka loo barbardhigo ragga? (digital divide)
- Maxay tahay dhibaatooyinka haweenka kasoo gaara isticmaalka internetka gaar ahaan baraha bulshada
- Mala dhihi karaa aflagaada iyo hadala xadgudubka ah ee loogu geysto haweenka baraha bulshada waxay ka tarjumayesaa dhaqanka aan wanaagsaneyn ee haweenka lagu caburiyo bulshada dhexdeeda.(online vs offline harassment)
- Ma jiraan kiisas hablo iska daayay/ ka go’ay internetka sababo la xiriira dhibaatooyin/xadgudub kasoo gaaray isticmaalka internetka?
- Maxaa loo baahanyahy si wax looga qabto arimaha hoos ku xusan:-
- Yareynta dhibaaytoonka iyo xadgudubyada haweenka kasoo gaara internetka
- Kordhinta tirada haweenka/hablaha kuxiran internetka si loo daboolo baahida access internet ee dumarka soomaaliyeed.
Inti lagu guda jiray dooda waxaa la isla gorfeeyay arimaha soo socda:-
- In ay dhibaato badan dumarka Soomaaliyeed kaheysato accesska internetka iyo aqoonta la xiriirta isticmaalka loona baahanyahay kordhinta xirfada la xiriirta istcmaalka iyo adeegsiga internetka.
- In haweenka xadgudub badan kala kulmaan isticmaalka baraha bulshada laguna dhibaateeyo codkoodana lagu caburiyo. Si marka loo yareeyo arinkaan waxaa loo baahanyahay wacyi galin joogto ah iyo qabashada madalo fara badan oo lagu gorfeeyo arimahaan.
- In aynaan jirin koox haween ah oo istaageerta ama iscaawisa (Women’s upport groups) loona baahanay in la abuuro waliba qoysask iyo asxaabta
- In loo baahanyaha shuruuc iyo siyaasado xakameynaya xadugudubyada kadhanka ah haweenka ee kadhaca internetka gaar ahaan baraha bulshada.
Marka laga soo tago in doodahaan la sameeyo madasha shah iyo sheeko waa meel logu tala galay in dhalinyarada iyo dhamaan kasoo qeybgalayaasha ay isku wareystaan laguna dhiiri galiyo is dhexgalka iyo isbarashada. Sidaa daraadeed, mudo 1 saac iyo badh ah ayaa loo qorsheeyay in kasoo qeybgalayaasha ku shaahaan.